27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Cumar C/rashiid oo gaaray Garowe iyo ujeedka safarkiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland si weyn loogu soo dhaweeyey  Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo hore u soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Cumar Cabdirashiid ayaa saxaafaadda u sheegay inuu 25 Bishaan ka qeyb geli doono Caleema-saarka Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire oo ka dhici doonto tuulada Jeedalow oo ka tirsan deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Warar kale oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online, ayaa sheegayo in qorshaha Cumar Cabdirashiid ay qeyb ka tahay dhexdhexaadinta madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Bari ee sida weyn u mucaaradsan xukuumadda Puntland.

Safarka Cumar Cabdirashiid ee deegaanada Puntland ayaa kusoo aadayo xilli dalka uu u diyaar garoobayo doorashada 2020-2021.

Cumar C/rashiid ayaa ka mida Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, isgoo aan kas oo xaadirin dhammaan kalfadhiyadii Golahaasi mudadii seddexda sano aheyd.

Cumar Cabdirashiid ayaa kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

- Advertisement -

Read more

Local News