Cumar C/rashiid oo si aan la fileyn uga hadlay xiisada PSF: PSF waxa ay aheyd inay DF…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan Boosaaso, taas oo u dhexeyso hoggaanka Puntland iyo taliska ciidamada ee PSF-ta.

Cumar Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa arrintan kasoo qaaday mid sahlan, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay si nabad ku dhammeeyaan xiisadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan cidna dan ugu jirin dagaal, balse loo baahan-yahay in laga fakiro mustaqbalka dambe ee Puntland oo haatan ah Hooyada Federaalka.

“Deni iyo dowladdiisaba inay arrintaas dib u eegaan waxaan waa sahlan yihiin in si nabad ah lagu dhammeeyo xabad qof ay xal u tahay ma lahan, 23 sano ayey jirsatay Puntland,” ayuu ku yiri hordhaca wareysiga cusub ee uu bixiyey Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray xiisadda taagan ay saameyn ku yeelan karto taageerada ay hadda ciidanka PSF ka helaan dowladda Mareykanka, isaga oo tusaale u soo qaatay dagaalkii Guriceel oo qeyb ka ahaayeen ciidamada Danab ee uu tababaro Mareykanka, isla-markaana uu war xasaasi ah kasoo saaraan sababta dhalisay in Danab ku biiraan dagaalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday arrin kale oo xasaasi ah, wuxuuna sheegay in xilligii uu joogay xafiiska uu isku dayey  ciidamada PSF inay qeyb ka noqdaan ama lagu soo biiriyo kuwa dowladda federaalka, isla-markaana arrintaas lagu soo qaaday mar uu tegay Washington, balse uusan guuleysan qorshahaasi.

“Aniga markii aan ra’iisul wasaaraha ahaa Washington markaan tegay arrin waxaa bilaabatay aheyd ciidanka hadda PSF sideedaba waxa ay ahaayeen in la sameeyo (Counter Terrorism Unit) oo hal ah oo federaal ah. PSF waxa ay aheyd inay noqdaan ciidamo qeyb ka ah federaalka, welina ma noqon,” ayuu yiri markale ku yiri wareysigan CC Sharmaa’arke.

Hadalkan kasoo yeeray Cumar Cabdirashiid oo dhowaan dib ugu soo laabtay dalka ayaa kusoo aadaya, xilli haatan xiisadd ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha hay’adda PSF-ta Puntland ay ka taagan tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii