Guddoomiye Cirro oo soo saaray go’aan cusub oo la xiriira doorashada DALKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa soo saaray go’aan cusub oo la xiriira muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in doorarashada aan la joojin doonin, balse iyada oo socoto la xallinayo wixii tabasho ah, taas oo meesha ka saareysa dalabkii hakinta ee Musharixiinta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo in shirweyne la’isugu yimaado, si loo dhammeeyo muranka hareeyey doorashooyinka socda ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

“In guddiyadeennu wixii ay qaldamay ay saxaan waa waajib lagu leeyahay, Laakiin waxay u baahan tahay dhinacyo badan oo iskaashi leh,” ayuu yiri gudoomiyaha gudiga doorashada.

Maxamed Cirro ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay ku kalsoonaadaan guddiyada maamulaya doorashooyinka 2021-ka, ayna kala shaqeeyaan doorashada.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo horay Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka ay u qaadaceen doorashada Golaha Shacabka, kadibna ay dalbadeen in gabi ahaan la joojiyo doorashada, si loo xalliyo ‘boob’ ay sheegeen in lagu hayo kuraasta baarlamaanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka oo ay ka taagan tahay dood culus oo dib usii dhigi karta.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii