Wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo tilmaam sharaf dil ah ka bixiyey ciidanka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cumar Cali Rooble oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidamada dowladda federaalka ee ka howl-gala gudaha magaalada Muqdisho.

Cumar Cali Rooble ayaa shaaciyey in ciidamada ammaanka ee loo xil-saaray nabadda ay lacago baad ah ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaadiidka isaga kala gooshaya caasimada, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan karin.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mootadii ama baabuurkii aan dirin lacag uusan dhaafi karin baraha koontarool ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Goobaha hubinta ciidamada amniga u xilsaaran ee jooga waxaa ka socda dhac dadban oo aan indhaha laga qabsan Karin, Gaadiidkii iyo weliba mootadii aan lacag dhiibin magaalada uma gudbi karaan, telefoonka haddii aan lacag kusoo dhicin dib u laabo wax la aqbali karo ma aha waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan sharaf dil ku tahaya dhammaan ciidamada Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in deg-deg wax looga qabto.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo inta badan isgoysyada magaalada Muqdisho ay haatan ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo mararka qaar waddooyinka ka celiya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, taas oo saameyn daran ku yeelata shacabka.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa haatan ka jira xaalado is-biirsaday, waxaana ugu daran falalka amaan darri, gaar ahaan dhaca habeenkii ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii