DF Somalia oo Somaliland ‘kasoo xirtay’ 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jirtay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay is-hortaagtay deeqihii waxbarasho ee ay ka heli jirtay qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ardayda Somaliland kasoo xirtay 7 ka mid ah 10-kii dal ee ay ka heli jireen deeqaha waxbarasho.

“Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uganda, Masar, Yemen, Libya, Turkey, Malaysia, Itoobiya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, deeqaha waxbarasho waxaa carqaladeeyay Dowlada Faderalka Soomaaliya,” ayuu yii Guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Casoowe.

“Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iyada lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Itoobiya, inta kale waxay qaateen qolada woxoodii,” ayuu yiri.

Dalalka uu xusay inay deeqaha ka joojiyeen ayaa waxaa ugu muhiimsan Kenya, ayada oo la rumeysnaa in Kanya iyo Somaliland ay aad isugu dhowaayeen tan iyo markii uu khilaafka ka dhex-qarxay Muqdisho iyo Nairobi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sanadkii tegay booqasho madaxweyne ku tegay Nairobi, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Hase yeeshee sida muuqata, Kenya ayaa tallaabooyinkeeda ay ahaayeen kaliya inay kaga careysiiso dowladda federaalka, balse aysan dhab ka aheyn inay wax u qabato Somaliland.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay la gashay Somaliland dagaal xooggan oo Somaliland looga soo xiray albaabo badan oo dhaqaale iyo waxbarasho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii