25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Cumar Cabdirashiid oo soo jeediyey 3 tallaabo oo lagu joojinayo doorasho boobka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay muranka hareeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo uu ka socdo boob aan horey loo arag oo aan qarsaneyn.

Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo labadooda madaxweyne goboleed laga maamulo Villa Somalia, ayaa qaaday tallaabooyin kuraasta loogu boobayo xubno ayaga ku dhow ama qaar uu wato madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inkasta oo la boobay kuraas badan, haddana waxaa ugu weynaa kursiga HOP#67 oo Qoor Qoor uu u boobay taliye ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Farey, halka Lafta-gareen uu guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari u diiday inuu tartamo, isaga oo kursigii uu ku fadhiyey ee HOP#103 u boobay wiil dhallinyaro ah.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in “si looga fogaado baarlaman lagu muransan yahay, dalku kala qeybsamo, ama kasii daro xanuun kale oo Ethiopian ah: a) Joojiya doorashada lagu shubtay, b) Dib usoo celiya hanaan doorasho oo dhex-dhexaad ah maadaama heshiiskii August uu horseeday wax is-daba marin baahsan, c) Ku dara kormeerayaal si sare loogu qaado kalsoonida.”

Baaqa Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa kuwa la mid ah horey usoo jeediyey siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed, hase yeeshee ma muuqato inay joojin doonaan doorasho boobka ka socda dalka sababo dhowr ah dartood.

Waxaa sababahaas ka mid ah; beesha caalamka oo ay ka go’an tahay in mar un doorashadu dhammaato, ayaga oo aan kala jecleyn sida ay ku dhacdo, iyo mucaaradka dowladda federaalka oo aan laheyn awood ay tallaabo ku qaadaan si ay u qasbaan in sida wax u socdaan wax laga beddelo.

- Advertisement -

Read more

Local News