Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin culus ka hor ansixinta qorshaha Villada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si adag uga hadlay wax ka beddelka dastuurka, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatay isku-day ay Villa Somalia ku dooneyso inay baarlamaanka ku mariso qorshaheeda.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ugu horreyn dhaliilay sida ay dowladda Xasan Sheekh u wado arrinta dastuurka, isaga oo ka digay cawaaqib xumo ka dhalata wax ka beddelka uu rabo madaxweynaha.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay dabada ka riixaysaa dastuur cusub iyada oo og in uu ka maqan yahay guud ahaan in dadka iska leh lagu wada qanciyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Waxa uu tilmaamay in ficilada madaxda dowladda federaalka “ee ku aaddan soo saarida dastuur cusub” oo aan heshiis lagu ahayn ay albaabada u furayaan fara-galinta beesha caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in cod baarlamaanka uusan xal u noqon karin xaaladda Soomaaliya, isagoona ka digay qalalaase siyaasadeed oo albaabada u fura fara-gelin shisheeye.

“Baarlamaanka 11-aad oo cadaadis saaran yahay ayaa laga yaaba inuu meel-mariyo nooca cusub ee dastuurka la soo jeediyay, laakiin ma ahan mid ku dhisan wada-tashi qaran, natiijadaas oo kale waxay noo horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed oo albaabada u furi doona fara-gelinta beesha caalamka.”

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa ku adkeysanaya in dhameystirka dastuurka u baahan yahay is-afgarad ballaaran, balse ay sax aheyn wadada ay ku wado dowladda hadda talada haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay wax ka beddelka dastuurka meel adag ka istaageen madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu meesha ka saarayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa.