Xogta sarkaal muddo fog ka tirsanaa DF oo Al-Shabaab u jaajusay saraakiil sar-sare

Muqdisho (Caasimada) – Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan ciidanka minishiibiyada ee degmadda Afgooye ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo) isagoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray kooxda.

Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sanadkii 2005, isaggoo Al-Shabaab ku biiray 2017, waxaana uu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha Hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay ‘Abtiga’.

Abtiga ayaa la sheegay inuu markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha maleeshiyada, is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagar-qabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye kamid ah.


Ninkan ayaa si joogto ah Al-Shabaab ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, isaga oo qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku-xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah Horjoogaha guud ee ee maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha Hoose.

Muddadii uu shaqeynayey waxa uu Al-Shabaab la wadaagay xogaha shaqo ee shaqsiyaad ay kamid yihiin Taliyihii hore ee booliska Afgooye, Taliye ku-xiggeenka saldhiga degmadda iyo guddoomiye waaxeedka 21-Octobar, kuwaasi oo xogo dhameystiran uu ka bixiyey.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta.

Ciidanka NISA oo ku raad-joogay Daahir Garboole ayaa shan iyo tobankii bishii October 2023-kii ku qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday 7-dii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex-Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamadda qalabka sida.