‘Halista aan lagu baraarugin ee ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh ee dastuurka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka ayaa mareysa meel xasaasi ah, ayada oo si weyn looga deyrinayo halka ay sal dhigan doonto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka beddelka dastuurka, ayaa ka digay halis aan lagu baraarugsaneyn oo ka dhalan karta arrintaan.

Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in xaalka uu ku dambeyn doono in dhufeysyo laga qato Muqdisho, si lamid ah xilligii Farmaajo laga diiday qorshihiisi guracnaa, inkasta oo weli sanado u dhiman yihiin muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

“Haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan xilligaan looga fadhin Xasan in uu beddelo wixii heshiiska lagu ahaa, balse la rabay in la qabyo tiro dastuurka oo waxa ka dhiman la dhammaystiro.

Waxa uu ka dhigay cawaaqibta ka dhalan karta qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, “Dastuurkeena meelna ugama qorna in madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato.ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran

Madaxweynaha Senegal Maki Sally ayaa 05 Febraayo ee sanadkan Baarlamaanka dalkiisa ka ansaxsaday in doorashada madaxtinimada oo la qaban lahaa 15ka Febraayo dib loo dhigo. Laakiin mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka u gudbiyey Maxkamada Dastuuriga ah ee dalkaas oo 15 kii Febraayo go’aamisay in aan dib loo dhigi karin doorashada, iyadoo amartay in la qabto 24-ka Maarso oo maanta ku beegan.

Sidoo kale, ayaa 31 Maarso sanadkii 2022 Maxkamadda Sare ee Kenya ka diiday Madaxweynihii hore ee dalkaas, Uhuru Kenyatta isku day uu ku doonayey in uu dastuurka ku beddelo. Maxkamadda ayaa go’aanka diidmada ku sababaysay in Madaxweynaha uu horboodayey wax ka beddelka dastuurka, halkii laga doonayey in muwaadiniintu horseed ka noqondaan.

Waxaa halkaa ka cad muhiimadda ay leedahay Maxkamad Dastuuri ah oo laanta fulinta ka madaxbanaan iyo in la kala saaro dastuurka iyo danaha shakhsiga ah.

Dhammaystirka dastuurka ee murashaxiinta uu madaxweynaha ka mid ahaa balanqaadeen waxay ahayd in la qabyo tiro, waxa ka dhiman la dhammaystiro ee ma ahayn in wixii heshiiska lagu ahaa la beddelo.

Dastuurkeena meelna ugama qorna in Madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.

Haddaba, haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?