Cumar Cabdulle Shooli: “Aniga oo nool ayaa magaceyga la bililiqeystay waa…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Fannaanka Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulle Shoole { Madaalaha Waaberi} ayaa wuxuu ugu cawday bililiqo uu sheegay in loo geystay magaciisa isla markaana si anshax xumo ah loogu isticmaalo, isagoo sheegay in Fannaan la magac baxay  Cumar Shooli uusan aheyn magaciisa rasmiga, wuxuuna tilmaamay in uu maxkamad la kori doono, fariinta Cumar Shooli ayaa u qorneyd sidan:

“Waxaan ka xumahay anigoo nool in magaceyga la istacmaalo si anshax xuma ah loo istacmaalo oo la i bililiqeystay anigoo wali aduunka saaran.

Intaas waxaan raacinayaa inaan ka xumahay in bulshada lagu dhibaateeyo si ka baxsan dhaqanka iyo diinta oo aan ku fiicneyn Diin Muslin mid gaal bulshada dhibaato loogu geystay.

Waxaan bulshada u sheegayaa in Nin kale magaceyga istacmaalay oo aan magaciisa aheyn, sidaasi darteed waxaan bulshada u sheegayaa ninkaasi Fanaan sheegtaha reerkii uu danbiga ka galay inay talaaba ka qaadaan, aniga cumar ahaan meeshuu joogo waan ugu tagayaa waxaan la korayaa fanaan sheegtaha Maxkamad”.

Al fanaan Cumar Abdulle Shooli (Madaalaha Waaberi)

cumar-shooli-hees

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com