Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ka hadlay musuq maasuqa maalmahaan la sheegay oo ku saabsan doorashooyinka aqalka hoose.
Ra’iisul wasaaraha dalka kana mid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay doorashada dalka iney musuq maasuq ku bilaabato.
Ra’iisul wasaaraha inkastoo wax laga xumaado uu ku tilmaamay sheegista musuqa doorashada haddana wuxuu sheegay in madaxda dalka aysan ku lug laheyn eedeymaha soo baxaya.
Xukuumada Soomaaliya ayuu sheegay iney qaadeyso talaabo looga hortago musuq maasuqa doorashada laga sheegay.
Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay doorashooyinkii dalka ka dhacay gaar ahaan magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado oo rag Dam jadiid ka tirsanaa si musuq maasuq ah lagu soo saaray.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]