Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Denmark ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadeeda ay kala baxeyso Xeebaha dalka Somalia, kadib markii ay Sanado farabadan ku howlanaayen difaaca Maraakiibta Ganacsiga ee isticmaala Badweynta Hindiya iyo Gacan-biyoodka Cadmeed.
Taliska Ciiddanka Badda ee Denmark ayaa sheegay inay uga dhamaatay ka howlgalida Xeebaha Somalia, waxa uuna tilmaamay inay ka shaqeynayeen Xeebaha Somalia 9-sanno.
Taliyaha waxa uu sheegay inay dib ula laabanayaan Maraakiibtooda, waxa uuna carab dhabay inay yareeyen awooda Burcad-badeeda Somalia ay ku geysan jirtay qafaalka.
Wuxuu intaa raaciyay in Howlgalkooda ay u weecin doonaan Badda Mediterranean Sea, halkaasi oo ay Tahriibayaal badan oo doonyaha ku safra u baahan yihiin Gurmad Degdeg ah.
Wuxuu taliyaha kusii daray in mudadii ay ka howlgalayeen Xeebaha Somalia ay gacanta ku dhigeen 295 Eedeysanayaal Burcad-baddeed ah, kuwaasi oo 50 ka mid ah loo gudbiyey Dacwad-oogayaasha dalalka kale.
Xeebaha Somalia ayaa waxaa ka howlgali jiray Burcad-badeed Soomaali ah kuwaasi oo qafaalan jiray Maraakiibta Dalxiiska iyo kuwa Ganacsiga, waxa uuna qafaalkaasi yaraaday kadib howlgalka Ciidamada Badda dowladaha isbaheysiga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

