Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa xalay la geeyey Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia, ka dib markii shalay la dejiyay Hotel Peace, oo ku dhow Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Cumar C/rashiid, ayaa waxaa Hotel Peace looga soo qaaday mid ka mid ah gawaarida qufulan ee Ciidamada Amisom, iyadoo loo diray in uu ka soo kaxeeyo Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Qaranka.
Cumar waxa uu hadda ku sugan yahay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, oo sidoo kale ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sii Haayaha Wasiirka Garsoorka & Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha & Amniga C/kariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegay in Cumar C/rashiid xalay Madaxtooyada loogu sameeyay casho sharaf lagu soo dhaweynaayo, xilli lagu wado in uu noqdo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya maanta.
Ka dib cashada loo sameeyay Cumar C/rashiid, ayaa waxa uu haddana kulan gaar ah uu Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynaha, Wasiir Faarax iyo C/laahi Sanbaloolshe.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliya oo diiday in magaciisa la xuso, ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada ee imaan doono, oo qaarkood liis lagu soo diyaariyay magacyadooda loo dhiibay Cumar. Sidoo kale waxay ka wada hadlayaan cidda mudan in lagu soo daro Golaha.
Si kastaba ha-ahaatee waxaa la rumeysan yahay inay soo laaban doonaan toboneeyo ka mid ah Golihii Wasiirada ee Xukuumadii C/weli, iyadoo ay xusid mudan tahay in wejiyo cusub lagu dhex arki doono Golaha Wasiirada cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

