28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Shirka Gobollada Dhexe oo ku xiran 1 arrin oo cajiib ah & dowladda oo diidan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maryan Cabdi Geedi oo kamid ah Guddiga farsamada ee ku howlan dhismaha Maamulka G/dhexe ee Somalia, ayaa sheegtay in shirarkii iyo la tashiyadii ay lahaayen lasoo afjaray.

Waxa ay sheegtay in Furitaanka shirka kaliya uu ku xiran yahay in Magaalada Cadaado la geeyo Ciidamada AMISOM oo iyagu xaqiijinaaya Ammaanka Magaalada.

Sidoo kale, Maryan waxa ay Farta ku goday in Cod dheer ay dhowr mar ku sheegen in ka gudi ahaan ay u baahan yihiin in lala soo gaaro Ciidamo AMISOM ah oo iyagu xaqiijiya Ammaanka ka hor inta uusan shirka furmin, hayeeshee aysan ka jawaabin DF Somalia.

Dhanka kale, Maryan Cabdi Geedi waxa ay dhaliishay in DF Somalia ay xiligaani ka caga jiideyso in Ciidamo AMISOM ah ay geeyan Goobaha uu shirka ka dhacaayo, iyadoona dhanka kale sheegtay in waxba uusan u harsaneyn markii laga reebo Ciidamadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News