28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maamulka Axmed MADOOBE oo aan u shaqo tagin xafiisyada 1 arrin awgeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in inta badan shaqaalaha iyo Maamulka Axmed Madoobe aysan u shaqo tagin Xafiisyada Maamulka.

Arrintaani ayaa ugu wacan kadib markii uu ku farabatay in Madaxweyne Xassan uu xilka Ra’isulwasaarenimo u magacaabayo Cumar C/rashiid Cali sharmaarke, halka ay iyaga ka taageersanaayen Xusein Cabdi Xalane oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta loogu hadal heynta badnaa.

Xaaji Cabdiweli Xuseen oo kamid ah Odayaasha ku xiran Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa ayaa sheegay inaysan la dhicin wararka la xiriira in Cumar C/rashiid loo magacaabo xilka Ra’isulwasaarenimo, waxa uuna Tilmaamay in ka maamul ahaan ay sugayeen in xilkaasi loo magacaabo Xusein Cabdi Xalane.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in muhiim ay tahay in Sanadkaani la tijaabiyo Siyaasada Ogaaden, maadama Beesha Sade ay dhow sano hayeen xilkaasi Ra’isulwasaarenimo.

Dhanka kale, Mukhtaar C/llahi oo kamid ah shaqaalaha ka howlgala Xarumaha Mamaulka ayaa waxa uu dhankiisana ka sheegay in hadal heynta xil u magacaabista Cumar C/rashiid ay tahay mid hoos u dhigtay hamigii ku aadanaa in xilkaasi loo magacaabi doono Xusein Cabdi Xalane oo dhawaan looga dabaaldegay Kismaayo.

Waxaa soo baxaya wararka ku aadan in saacadaha soo socda Ra’iisul Wasaare loo magacaabo Cumar, inkastoo suuragal ay tahay in wax waliba ay isbedelaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News