28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Maxay PUNTLAND ka dhaheen in CCC Sharmaarke loo magaaabo R/wasaare?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Iyadoo lagu wado in Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke loo magacaabo xilka Ra’isul wasaarenimo ee dalka, ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan uga hadlay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Daahir Ciiro oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Puntland, ayaa sheegay in dalkan uu u baahan yahay siyaasad degen iyo siyaasi dulqaad leh, Cumar Cabdirishiidna uu yahay siyaasiga intaas leh.

Waxa uu sheegay inay taageersan yihiin siyaasada uu Madaxweyne Xassan Sheekh ku magacaabayo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo uu ku qeexay mid dalka dan u ah.

Siyaasiga waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in uu taageerayo Cumar Cabdirashiid, haddii jagadan loo magacaabo, kuna qanacsan yahay hadal heynta ah in loo magacaabayo Ra’isul wasaare saacadaha soo socda.

Sidoo kale, Maxamed Xaashi oo kamid ah Odayaasha Magaalada Boosaaso, ayaa dhankiisa sheegay in hadal heynta xil u magacaabista C/rashiid Cali Sharmaarke ay tahay mid ay soo dhaweynayaan, waxa uuna shaaca ka qaaday in Cumar C/rashiid uu lamid yahay Ra’isul wasaarayaashi xilalka kala duwan kasoo qabtay dalka.

Haddalka Siyaasiga ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay aad loo hadal haayay in Madaxweyne Xasan uu xilka Ra’isul wasaarenimo u magacaabayo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Si kastaba, marka laga reebo siyaasiyiinta Puntland, inta badan Soomaalida ayaa niyad jab ka muujiyey xulashada Xasan Sheekh ee Cumar Cabdirashiid, sababo la xiriira inuu iibsaday badda Soomaaliya, xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha dowladdii KMG ahayd.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News