Ma riyaa ma runbaa, ma miyr qabaa Xasan mise waxaa jira waxyaabo ku qasbaya oo ku saabsan xulidda Ra’iisul wasaaraha. Waxaan maqlay amaba aan ka aqristay Caasimada Online in Cumar Cabdirashid uu madaxweynaha uu u yeeray oo uu ku soo fool lee yahay xarunta Villa Somalia.
Waa wax maskaxdeyda ka weyn balse aan laga aamusi karin. Kaalaya madaxweynaha maxaa ka qaldan? Maxaa uu u fududaadaa wax yar ka dibna oo uu qowmameeyaa. Ma hal il kaliyoo wax ku arkaa? badanaaba waxa shacabka ay ku dhaliilayaan Cumar Cabdirashiid ma been baa? mise waysan u muuqan? Ka daroo dibi dhal, ma hadduu rabaa in Cumar Cabdirashiidkii aan ogaa siduu wax yeelay, walina raadkiisu qoyan yahay ayuu soo wadaa Xasan Sheikh. Ar yaa la talsha ninkan? Ar waa tii aad ku bixi lahayd walibana waqti aan dheereen. Waa hubanti in isqabqabsi baahsan oo aad dib ugu shaleyso inuu bilaabmi doono muddo bil ah marka aad magacowdo ra’iisul wasaaaraha la hadal hayo.
Waxaad haysataa madaxweyne fursad qaali ah oo aad ka sii fekeri karto ruux ku haboon xilkan qaaliga ah. Qasab maahan in aad degdegto kadibna ruuxaan u qalmin la soo shir tagto. waxaase ka fiican in aad badiso baaridda ruux la aamini karo, dhinac kastana ka dhisan kuna maqli kara, kulana shaqeyn kara. Waxaa mudane madaxweyne kuugu filan marqaati sida durbadiiba ay shacabka iyo waliba xildhibaanada ay u diidan yihiin Cumar Cabdirashiid.
Waa hubanti in uu kula mari doono Cumar Cabdirashiid meel ka sii daran kana dhibaata badan ra’iisul wasaarihii hore ee hadda la riday. Waan ogahay in ay dhib tahay ruux dhinac kasta ka fiican waqtigan in la helo, shacabkana uu ku farxo, balse calal aqali mid aan horay wax dakana laga qabin walibana ceeb ka saliin ah. Waxaan ku soo gabagabeynayaa mudane madaxweyne maskaxdaada si wanaagsan u fur, xilkana u magacow ruux lagu wada farxo.
W/Q: Cabdi Cbdulle Run-Sheeg
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid