Cumar Filish oo ballan-qaad muhiim ah ka helay wasiir ka socda Sweden + Video

Muqdisho (Caasimada Oline) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shalay xarunta Aqalka dowlada hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden, Per Olsson Fridh oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen u qaabilsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ee dhinaca Africa, Safiir Kuxigeenka Sweden, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal ayaa looga hadlay taageerada Sweden ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Filish ayaa ugu horeyn waxa uu ugu mahad-celiyay dowlada Sweden taageerida ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoona dhinaca kale ugu warbixiyay Horumarada ka socda caasimada Soomaaliya, Arrimaha Barakacayaasha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca horumarinta iyo Adeegyada Bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyay warbixinta Filish, wuxuuna ku bogaadiyey maamulka gobolka Banaadir Howlaha dib-u-dhis iyo midka adeegyada Bulsho ee ka socda gobolka.

Per Olsson ayaa u ballan-qaaday guddoomiye Filish inay si dhaw ula shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana ay ka taageeri doonaan dhinacyada horumarinta, dib-u-dhiska iyo Adeegyada Bulshada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka ka socday dalka Sweden guddoon-siiyay hadiyado isugu jiro Shahaado Sharaf iyo Dharka Hidaha & Dhaqanka Soomaaliya.