Howl-gal ‘lagu laayey’ xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay SH/ DHEXE

Jowhar (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo u warramayey warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ballaaran oo ay ciidamada milatariga Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanada War-Ciise iyo Gal-labashiir oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Odowaa ayaa sheegay in howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladaasi ay ku dileen ugu yaraan illaa 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadu ay guullo waa weyn ka gaareen dagaalladii u dambeeyey ee ka dhacay gobolkaasi, kuna qabsadeen deegaano horleh.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in sii laba jibaari doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada maamulka HirShabelle.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey howl-gallada wadajirka ah ee ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, Al-Shabaab oo weeraro qorsheysan sopo abaabusha ayaa weli ku sugan deegaano badan oo ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.