PUNTLAND oo howl-gal ku dishay saraakiil Daacish ah

Garoowe (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa waxaa faah faahin looga bixiyey howl-gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulkaasi.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi oo laga fuliyey togga Il-Cameyra ee buuraleyda Calmiskaad lagu dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Daacish.

Sidoo kale Puntland ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha la dilay uu ka mid ahaa Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay Pakistan, kana mid ahaa saraakiisha sare ee Daacish.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay weerarkan qorsheysan ay ku dishay illaa labaatameeyo kale oo ka tirsanaa dagaalamayaasha kooxda Daacish oo ku xoogan buuraha gobolka Bari.

Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale ciidamadu ay ku burbiriyeen xaruntii dhexe ee Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Daacish, faraceeda Soomaaliya oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada ammaanka Puntland.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka ayaa xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, halkaas oo ay fariisimo milatari ku leeyihiin dagaalyahano hubeysan oo ka kala tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.