Filish oo guddomiye degmo u magacaabay weriye caan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa magaalada Muqdisho ayaa waxaa xil-kaas loogu magacaabay, Cali Axmed Cabdulle (Cali Soomaali).

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo in la dardar-geliyo howlaha maamulka degmada Shibis, kadib markii bishii April ee sanadkaan 2020-ka xil-ka laga qaaday guddoomiyihii degmadaasi, Mudane Cabdiraxmaan Sayid Cali.

Sidoo kale wuxuu faray guddoomiyaha cusub inuu xil-ka si deg deg ah ula wareego, iyadoona laga codsaday laamaha amniga inay si dhow ula shaqeeyaan.

Cali Soomaali ayaa ahaa Wariye ka soo shaqeeyey gudaha dalka, gaar ahaan Idaacadda Shabelle, inkastoo markii dambe uu waxbarasho u aaday dalka dibaddiisa, gaar ahaan Bangladesh, wuxuuna ku soo diyaariyey heerka labaad ee jaamacadda.

Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa is badal ku sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkenley.

Xoghayihii degmada Dharkeenley Mudane Maxamed Suudi ayaa sina loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab.