Cumar Filish oo loo diray cabasho ka timid dad shacab ah oo dhul laga boobayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Goofleyda deegaanka Jabad-Cadde ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa soo saaray qoraal ay uga cabanayaan guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ay sheegeen inuu xoog kula wareegayo dhul ay leeyihiin qoyska reer Sheekh Axmed Mataan, oo halkaas ku yaalla.

Warqadan cabashada ah ayaa ku socota maamulka Banaadir oo looga dalbaday inay wax ka qabtaan arintaan, iyadoo laga digay in cawaaqibka xumada ka dhalata arintaas uu mas’uuliyadeeda qaadan doono guddoomiye Jacfar.

Sidoo kale warka ka soo baxay goofleyda Jabad-Cadde ee degmada Deyniile ayaa lagu sheegay in 23-kii bishan weerar uu guddoomiye Jacfar ku qaaday qoyska reer Sheekh Axmed Mataan uu xubno ka tirsan qoyska dhaawacyo ugu geystay, isla markaana uu burburiyey guryo ay la haayeen dadkaas.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Cabashada

Ku: Maamulka Gobolka Banaadir

Og: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Fedaraalka

Og: Raiisul Wasaaraha JFS

Og: Madaxweynaha JFS

Ujeeddo: Cabasho. Haddii aa nahay dadyowga kunool Degmada Dayniile waxaan cabasho kanahay Guddoomiyaha Degmada Daayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) asigoo raba inuu boobo Dhul ay leeyihiin dad shacab ah oo kuyaalo deegaanka Jabad Cadde ee Degmada Dayniile.

waxaa jiro Xirooyin ay leedahay degmada dayniile oo aanan wax shaqo ah lagu qabanin Sida:

1 – Xirada Dugsi Shanaad

2 – Xirada Raadeerka

3 – Xirada Bangalo

4 – Xirada Urur Howleed

5 – Xirada Sagaalaad

6 – Xirada Hareeriley,

Iyadoo xirooyonkaas dhan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ayuu waxuu rabaa in dadka deegaanka ah dhulkooda iyo hantidooda lagu boobo shaati dowladeed, waxaana ka danbeeya Guddoomiyaha Dagmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) isagoo u cabiray xiroyinka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dadkiisa hadane uu rabo in uu handadaad iyo boob u geesto dhulka ay leeyihiin Reer Sheekh Axmed Mataan. Isigoo ku andacoonaya inuu halkaas ka dhisayo Garoon diyaaradeed.

Maalintii khamiista oo ay taariikhdu aheyd 23/01/20 wuxuu weerar ku qaaday Jabad Cadde ee degmada Dayniile wuxuuna geystay khasaare isugu jira dhaawac iyo mid hantiyadeed, asigoo burburiyay dhismooyin ay shacab leeyihiin, rasaas uu ku furayna ay dhaawac u geysatay labo gabdhood oo qur’aan lagu saaraayay xaafadahooda, kuwaas oo loola cararay cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, isla markaana lagu sameeyay qaliimo kala duwan.

Hadaba maamulka Gobolka Banaadir waxaan ka codsaneynaa in uu soo faragiliyo arinkaan waxii cawaaqib xumo ah oo ka yimaadana waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona Guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar.

Wabilaahi Towfiiq.

Goofleyda Jabad Cadde ee Degmada Dayniile.