Cumar Filish oo weerar culus ku qaaday Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kalena ah duqa Muqdisho, Cumar Filish oo hadal ka jeediyay xeritaanka Shirweynaha Hiigsiga Caasimada ee 2040 ayaa waxa uu ku dhaliilay Midowga Musharaxiinta inay xilligan ku goodiyaan Shirweyne.

Guddoomiye Filish ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaar marka ay carooddan ama danahoodda ay waayan ay ku hadaaqaan Shirweyna la qabannaa iyo dib ayaa loo noqonaa, waxaasi oo uu sheegay inaysan u rooneyn dowladnimadda.

“Runtii waxa lagu jira marxalad siyaasadeed oo doorashooyin ah oo buuq baan oo khatar baan, ayeynan ogolaanin waxkasta oo dib noo celinaya. Siyaasiyiinta marka ay carooddan ama danahooda waayan kuwa ku hadaaqa jirra, mana aha arrin u roon Soomaalinimada oo dhaheysa dib ha loo noqdo,” ayuu yiri Guddoomiye Filish.

“Midkii waasha in aad u sacbisaan waa waxyaabaha dib noo celinaya ee sii habaabinaya. Cidkasta oo siyaasi ah oo danta umadda ka shaqeynaysa waa in la garab istaago.”

Waxa uu intaas kusii daray in hadallada qaar ee siyaasiyiinta ay u yiraahdan si ka fiirsi laheyn ay horseedi karto in dalka uu dib ugu laabto sidii uu ahaan jiray, taasi oo uu sheegay inaysan wax dan ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dadweynaha Soomaaliyeed aysan u nuglaan waxkasta oo keeni kara caqiibo xumo, islamarkaana ay markasta ka shaqeeyan rabitaanka danta guud ah oo ka madhan dan gaar ah, sida uu sheegay.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay Midowga Musharaxiinta si adag uga horyimaadeen hanaanka doorashada Golaha Shacabka, ayaga oo qaadacay doorashada ka hor inta la saxayo qaladaadka ka jira, toddobaadyadii u dambeeyayna gudaha caasimada dalka ka waday kulamo looga arrinsanayo xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii