ROOBLE oo shaaciyey xilliga uu furmayo shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumaad rasmi ah u direy madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si ay uga soo qeyb galaan shir 27-ka bishaan December ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in shirkaas looga arrinsanayo dardar-gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Shirka uu yeelanayo Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa lagu wadaa in laga soo saaro qoddobo dib loogu saxo hanaanka doorashada dalka ay ku socdaan, kaasi oo maamulada qaarkood ay ku sameeyen musuq-maasuq baahsan.

Casuumaada Rooble u diray madaxda dowlad goboleedyada ayaa imaneysa xilli ay mucaaridka qaadaceen doorashada dalka ka socota, gaar ahaan Golaha Shacabka, taasi oo ay ku tilmaameen mid ku dhisan boob.

Rooble ayaa u hore u ballan-qaaday in uu shir iskugu yeeri doono Golaha Wada-tashiga Qaranka, kadib kulamo uu la qaatay mucaaridka oo ayagu dalbaday in gebi ahaanba la hakiyo doorashada, illaa inta saxayo qaladaadka ka jirra.

Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa xilligan looga fadhiya inay dib u soo celiyaan kalsoonidii luntay ee doorashada dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii