C/W Gaas oo ka hadlay go’aanka la gaaray iyo kaalinta Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa ka hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia iyo natiijada kasoo baxday shirka Madasha Qaran ee kusoo idlaaday magaalada Muqdisho.

Gaas waxa uu sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho ay Madaxda dalka uga wadahadleen sida loo samatabixin lahaa Somalia oo ay kusoo fool leedahay doorashada, waxa uuna tilmaamay inay go’aan isla gaaren dhammaan madaxda uu shirka khuseeyay.

Waxa uu sheegay in xal laga gaaray dhammaan qodobadii lagu kala aragti duwanaa waxa uuna meesha ka saaray inay jiraan qodobo baaqi ah oo aan wali xal laga gaarin, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Gaas sheegay in go’aanka kadib loo baahan yahay keliya fulinta qodobada leysla fahmay waxa uuna cadeeyay in Puntland ay dhinaceeda ka fulin doonto sidoo kale dhinacyada kalane uu ka rajeynaayo inay fuliyaan qodobadii lagu heshiiyay.

Gaas waxa uu soo hadal qaaday Ergooyinka soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Aqalka Hoose iyo sidoo kale Odayaasha soo xulaya Ergooyinkaas in ay da dejiyaan howlaha u yaala, isagoo carab dhabay in wakhtiga harsan uu yahay mid cariiri ah.

Baarlamaanka haatan la soo dhisayo ayuu sheegay inuu ka duwanaan doono Baarlamaanka hada jira, waxa uuna taasi ku sheegay mid guul u horseedi doonta Somalia.

Docda kale, waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay qaabka ay hadda howsha u socto waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday in wax waliba ay u fulin doonaan sidii lagu heshiiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com