Xasan oo Kenya u ogolaaday arrin muhiima lana filayo in Muqdisho…

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxtooyada dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Bangiga Ganacsiga Kenya xarun ka furan doono magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Bangiga ”The Kenya Commercial Bank ee KCB” uu mid kamid ah faracyadiisa ugu ka furan doono magaalada Muqdisho oo la sheegay inay tahay mid ka nabdoon amni daridii ka jirtay Somalia.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Kenya oo lagu soo qaatay qoraalada lagu daabacay warbaahinta dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta ballanqaadkaasi uu ka helay Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan ay kuwada kulmeen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo ay baahiyeen warbaahinta Kenya ayaa waxaa sidoo kale lagu cadeeyay in Xarunta Bangiga laga yagleeli doono magaalada Muqdisho ka hor inta aanu dhammaan sanada aan iminka ku jirno ee 2016-ka.

Agaasinka guud ee Bangiga ”The Kenya Commercial Bank ee KCB” ayaa sidoo kale, dowlada uu wakhtigeedu dhammaaday ee Somalia ka dalbatay inay u sahasho warqadaha aqoonsiga iyo tan fasaxa ee lagu guda gali lahaa yagleelida dhismaha xarunta Bangiga.

Bangiga KCB ayaa waxa uu xarumo aad u fac weyn ku leeyahay wadamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Koonfurta Sudan, Tanzania, Rwand, Kampala, Burundi iyo dhowr dal oo ku yaalla isla qaarada Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com