Ethiopia oo is-barbar dhig aan laga aamineyn la meel dhigtay horumar ay Soomaaliya gaarto

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in Somalia ay ka gudubtay heerkii ay taagneyd dhowr sanno ka hor.

Dowladu waxa ay sheegtay in caalamka uu isha ku hayo kobaca ku socda Somalia, waxa ayna farta ku goday in Horumarka Somalia ay ula mid tahay Ethiopia oo Horumar gaartay.

Warbixin laga soo saaray Xafiiska Mr Berhane Gebrechristos oo ah La-taliyaha Gaarka ee Ra’isul wasaaraha Ethiopia, ayaa waxaa lagu sheegay in Somalia ay ka talaabtay amni daridii ka jirtay iyo Burburkii daahsaday, waxaana sidoo kale lagu amaanay sida uu ku socdo horumarka.

Warbixinta Mr Berhane Gebrechristos waxaa lagu sheegay in dowlada Ethiopia ay gaartay guul marba haddii Somalia ay ka gudubtay heerkii dhowr sanno ka hor ay taagneyd waxa uuna cod dheer ku sheegay in Horumarka Somalia ay ula dhiganto Ethiopia oo horumar gaartay.

Berhane Gebrechristos waxa uu sheegay in Somalia ay cagta la gashay Horumar iyo Xasilooni muuqata waxa uuna cadeeyay in Ethiopia aysan garaneynin meel ay uga harto Somalia oo kusii siqeysa Soomaalidii hore.

Wondimu Asaminew oo ah Ambassador-ka dowlada Ethiopia u fadhiya Somalia, ayaa isna bogaadiyay horumarka ay gaartay Somalia, waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay xoojin doonaan xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Somalia.

Ambassador-ka waxa uu sheegay in farqi uu u dhexeeyo sida Somalia ay aheyd dhowr sanno ka hor iyo sida ay hadda tahay waxa uuna amaan dusha ka saaray Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhexda u guntadeen horumarkooda.

Dhinaca kale, Dowlada Ethiopia oo ay ciidamo ka joogan Somalia ayaa lagu eedeeyaa inay kaalin libaax ka qaadato hoos u dhaca ku imaanaya amniga iyo xasiloonida ka jirta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com