Gaas oo ka hadlay rabitaankiisa shirka Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedka qarashka loogu bixinaayo shirka uu yahay in laga gaaro natiijo lagu raali yahay.

Gaas oo Kismaayo kula hadlay saxaafada ayaa tilmaamay in madaxda DFS ay kawada hadleen xaqiiqda jirta iyo qaabka loo wajihi lahaa waxa uuna tilmaamay in lama huraan ay tahay in shirka Kismaayo uu kasoo baxo natiijo wacan.

Gaas waxa uu farta ku goday in madaxda DFS ay ka meer-meerayaan xalinta dhibta ka taagan Somalia, waxa uuna dhibtaasi ku micneeyay mid ka dhalatay 4.5.

”Anigu waxaan Kismaayo u imaaday ka miro dhalinta juhdigeyga, haddii aan waayo ma garankaro sababta aan kusii joogi lahaa Kismaayo”

Gaas waxa uu Tilmaamay in dhamaan madaxdu ay yihiin kuwo taageersan in laga gudbo nidaamka 4.5 balse Xassan Sheekh oo kaliya uu wali yahay mid ku dhagan nidaamka.

Maanta oo la filaayo in shirka uu furmo ayuu C/wali Gaas sheegay in shirka ay ka filanayaan natiijo wacan, waxa uuna madaxda DF ugu baaqay inay ka faa’iideystaan wakhtiga.

Geesta kale, waxa uu ku taliyay in madaxweyne Xassan Sheekh uu ka runsheego xaqiiqda, taasi oo uu ula jeedo xalinta
baahiyaha ka taagan dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com