Soomaaliya iyo xasuuqii Rwanda xalkiisa oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhamaadkii bishii hore, 31/12/2015 lasoo afjaray maxkamadeyntii kuwii geystey xasuuqii Rwanda. Magaaladu waa Caruusha, Tanzania. Maxakamddan waxay socotay 21 sano. Xasuuqii dhacay 1994 ka dib, Qaramada Midoobey waxay sameysay maxkamad caalami ah (The International Criminal Tribunal for Rwanda).

Waxaa maxkamdan lasoo taagay 93 qof oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato, ciidan, shaqaale dawladeed, wariyayaal iyo kuwa ka shaqeeya idaacadaha iyo wadaaddo. Rag iyo dumarba leh.

Waxaa dambi lagu helay ilaa 60 qof. Waxaa marag ahaa in ka badan 3000 qof. Dambiyada lagu soo oogay waxaa ka mid ahaa: dil iyo isku day dil, kufsi, guubaabo colaad iyo isku dir.

Tan waxay noqon kartaa mid hakisa colaad iyo xasuuq kanoo kale ah in uu mar kale soo noqdo.

Dadka la maxkamadeeyey badidood waxaa la saaray maxkamado kuyaal waddanka Rwanda gudihiisa oo la yiraahdo Gakaka (GACACA). Kuwaa hawshoodu waxaa ay dhammaatay 2012.

Waxa jira wax badan oo dhaliil ah, laakin sharciga oo la hor keeno kuwa dulmiga geystey waa muhim. Waa nolol. Waa fayoobaan. Waa qancin. Waxaa laga yaabaa in dambiilayaal badan loo tanaasulo goortay qirtaan falkoodii.

SOMALIA MAXAA LA GUDBOON ?

Waannu ognahay in dil, barakicin, iyo kufsi baahsan ka dhacay waddanka. Laga soo bilaabo Waqooyi, ilaa Mudug, Hiiraan, Shabeellooyinka, Banaadir, Bay, ilaa Kismayo in halaag iyo aafo ba’an oo baaxad weyn loo geystay dad shacab ah oon waxba galabsan.

Waannu ognahay kuwa gaajada u lee’day ee Bay, Bakool iyo Gedo iyo Jubbooyinka.

Xukuummadii Siyaad Barre iyo Jabhadihii qoryaha qaatay oo idil dhibta, dilka, boobka iyo colaaddii ay geysteen waa in meel la saaraa oo xal loo helaa. Sida Rwanda u maareeysey caddaaladda. Haddii kale dib u heshiisiin waarta yaan la sugin. Dawlad iyo dal Soomali oo wada jirana waa adag tahay in la helo.

Qore: Cusmaan Cumar
cusmaancumar@gmail.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com