Muqdisho oo qaraxyadu ay kusii kordhayaan..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa baryahaani danbe marti galineysa Qaraxyo lala bartilmaameysto mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha DFS.

Qaraxyada oo u muuqaal eg kuwo ay ka qeybqaatan shaqsiyaad aqoon ay kala dhexeyso kuwa la beegsanaaya ayaa isugu jira kuwo banaanka ku fashilma iyo kuwa u hirgala sidii loogu tallo galay.

Qaraxyada baryahaani danbe kusoo badanaaya magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo lagu soo xiro gawaarida gaarka loo leeyahay, waxa ayna walaac ku abuurtay madaxda iyo shaqaalaha Dowlada.

Gaadiidkaasi ayaa waxaa ku xirista miinada loo adeegsadaa dhalinyarada ku xamaasha dhaqista gaadiidka, Garaashyada lagu farsameeyo gaariga, Goobaha baakinada ah iyo in xiliyada qaar dhulka loogu aaso miinada.

shalay oo ugu dambeysay qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah, ayaa ka dhacay Degmada Shibis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dhalinyarada qurba joogta kusoo laabatay dalka ayaa yiri “Magaalada Muqdisho waxay caan ku noqotay gaarigaaga inaad qarax ka raadiso. Qof kasta gaarigiisa ayuu hubiyaa in qarax loogu xiray iyo in kale. Qofna gaarigiisa ma kaxeysto illaa uu ka hubiyo in qarax loogu xiray iyo in kale.”

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa “Qof caadi ahow ama Dowladda u shaqey waxaa laga wada siman yahay in baabuurta la wada hubiyo, waa dareen ku wada qufulan dadka reer Muqdisho.”

Dhanka kale, arrintaani ayaa sababtay in shaqaalaha DFS ay ka guuraan garaashyada ay dhigan jireen gaadiidka cabsi awgeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com