25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Gaas oo magacaabay afar degmo cusub, tirada guudna ka dhigay 40 degmo

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe(Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ansixiyay afar degmo cusub oo madaxweynaha Puntland uu magacaabay.

Afartaan degmo oo kala ah, Dhudhib, Shaxda, xunbays oo ka tirsan gobolka Karkaar iyo Bursaalax oo Mudug.

Gudoominayey golaha wakiilada Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in 39 xildhibaan u codeeyeen in  la ansixiyo  degmooyinkaas, waxaana diiday hal xildhibaan, halka ay ka aamuseen afar kale.

Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in degmooyinkaasi la ansixiyay ay dhamaantood soo buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa degmo, waxaana ay guud ahaan degmooyinka Puntland ka dhigayaan 40 demo.

Dhanka kale, shacabka degmada Bander Beyla ayaa kasoo horjeestay magacaabida degmooyinka cusub ee afarta ah, iyadoo ay diidmadooda ku muujiyeen dibadbaxyo ay ka dhigeen, waxayna ku doodayaan in degmooyinkii horay u jiray inaysan helin adeegyadii muhiimka u ahaa nolosha, waxayna ka digeen nabadgelyo xumo iyo dagaalo ka dhasha kala fogaanshaha bulshada degaanadaasi.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe 
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News