Siyaasiyiin iyo xildhibaano Muqdisho uga shiraya DF iyo laba arrin oo la isku hayo

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baryahahii ugu danbeeyey doodo ku saabsan sidii aragti mid ah uga qaadan lahayeen Xukuumadda ku lahaa magaalada Muqdisho.

Shadoor Haji oo ka mid ah siyaasiyiinta doodahaas ka qeyb qaadanaya ayaaa faceboook soo dhigay qoraalkaan:-

Waxaan maanta ka qeyb galay wajigii Seddexaad ee dood siyaasadeed oo ka dhacday mid ka mid ah xarunta xisbiyada siyaasadeed ee Muqdisho. Dooddu, waxaa isku casuumay kaliyah, siyaasiyiin xildhibaano u badan oo is sheeko yaqaan ah, faham mideeysanna ka qaba marxaladda siyaasadeed ee dalka hayeeshee ku kala aragti duwan moowqifka siyaasiga ah ee ku habboon in lagu wajaho marxaladda dalka uu ku jiro.

Dooddu oo ahayd mid ka reeban duubista maqal iyo muuqaalba, ayaa qododaba qorsheeysnaa ee lagaga doooday, waxaa ka mid ahaa:-

• Maalintee ayaa laga bilaabi karaa qiimeynta siyaasadeed ee waxqabadka Dowladda.

• Ma tahay in xiligaan saxaafadda iyo baraha bulshada loo marsiiyo horumarka iyo dhaliiha dowladda ee jira.

• Fursad intee la eg ayey tahay in la siiyo xukuumadda si looga qaado tallaabada siyaasiga ah ee ku habboon.

Dooddu, oo ku qotantay qodobadaas ,ayaaa siyaasiyiinta badankood isaga aragti ahaa moowqifka siyaasiga ah ee qodobada miiska saarnaa. Siyaasiga shir guddoonka ka ahaa wajiga seddexaad ee doodda ayaaa gunnaanadkeeda sheegay aragtiyada siyaasyiinta xildhibaanada u badnaa ee soo xaadiray doodda maanta.

• Qiimeynta siyaasiga ee waxqabadka Dowladda waa maalintii uu Baarlamanka meel-mariyey Xukuumadda.

• Ma habboona in dhalliilaha xukuumadda xiligaan saxaafadda laga sheego hayeeshee la sheego horumarka ay sameeysay xukuuumadda inta ay doonaanba hala ekaadaane e, isla-markaana dhalliilaha jira si hoose loogu gudbiyo hoggaanka xukuumadda iyo dowladaba.

• Qodobka ah fursad siinta xukuumada ayaa aad loogu kala qeybsamay ,qaar ayaa qaba in la siiyo xukuumadda muddo hal sanno ah ugu yaraan, halka qaar kalana qabaan in la siiyo muddo 6 bilood ah oo haddaba ay uga harsan tahay muddo 2 bilood ah. Qodobkaan waa u furan yahay inay aragtiyadaha ka soo dhiibtaan saaxiibada Facebook?

Qoraalkaan waa mid kooban oo aan kaga hadlayey aragtida guud ee siyaasiga ah kama turjimeeyso aragti ka soo baxay qollo gaar ah ama xisbi siyaasadeed.

Doodda maant, waxaa ka horreeyey laba dood oo ku soo idlaaday wadar oggolka moowqif mideeysan ee qodobo horrey looga soo dooday.

Fiiro gaar ah. Doodahaan, waxaa isku ballansada Mucaarad mideeye iyo muxaafad miir-qabe waxayna ka caagan tahay mucaarad maquuniye iyo muxaafad guulwade.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com