Dhageyso beesha Abgaal oo ka digtay in qabiil loo rogo dilka taliye Ciise Jiijiile

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo tuhuno badan uu ka dhashay dilka allaha u naxariistee Taliye ku-xigeenkii hore NISA ee Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo Ilaaladiisa ayaa waxaa arrintaasi siyaabo kala duwan isugu jawaabay Taliyaha hawlgalada ciidamada NISA Maxamed Abuukar Jacfar iyo Caaqil Maxamuud Xasan Xaaji oo ah Caaqilka Beelaha Mudulood.

Caaqil Maxamuud Xasan Xaaji oo u waramaayay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa arrin nasiib darro ah ku sheegay haddal la sheegay inuu kasoo yeeray Jacfar, oo weli Caasimada Online aysan xaqiijin meel uu ku yiri.

Caaqilka Beelaha Mudulood Maxamuud Xasan Xaaji ayaa ku eedeeyey in Jacfar uu qaab kale u dhigay dilka Taliyihii hore waxa uuna carab dhabay inaanu munaasib aheyn in la siyaasadeeyo qaabka uu dilka u dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Caaqilka waxa uu sheegay in Jacfar uu aad ugu fududaaday qaabka uu dilka uga hadlay waxa uuna bidhaamiyay in howlaha dilka iyo xalinteeda ay tahay mid u taal dowlada Federaalka.

Nuqul kamid ah hadalka Caaqil Maxamuud Xasan Xaaji ayaa ahaa ”Sarkaalkan Geeriyooday waxa uu ka mid ah dowladda Federaalka Somalia, arrintaasna waxa ay u taallaa dowladda sidii ay xal uga gaari lahayd ma qabo in dilka Sargaalka loo dhigo qaab kale”

Caaqil Maxamuud Xasan Xaaji, ayaa sidoo kale sheegay in Jacfar oo qudhiisa kamid ah Saraakiisha NISA uu faraha la galo howlo la qabiileeyay maadaama uu matalo Qaran, waxa uuna ku baaqay in dilka Marxuumka aan la siyaasadeyn.

Waxa uu intaa ku daray Caaqilka isagoo sii wata wareysiga uu siinaayay Idaacada Shabelle in Jacfar uu ku goodiyay inay aargoosan doonaan, waa haddii aan sharciga la horkeenin ciidamada fuliyay dilka Taliyaha, sida uu haddalka u dhigay Caaqilka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com