“C/Weli Gaas waxa uu hirgeliyay sharci afduub ah oo u dhaqan galay” Siyaasi reer Puntland ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdinuur Xirsi oo kamid ah Siyaasiyiinta maamulka Puntland ayaa sheegay in xaaraan ay tahay waxa uu ugu yeeray isla xisaabtanka xukuumadda Puntland.

Maxamed Cabdinuur waxa uu tibaaxay in Xukuumada Puntland ay isla xisaabtanka ka fahantay in mas’uuliyiinta qol lagu xirto kadibna laga mamnuuco dhiibashada fakirkooda iyo in madaxda maamulka ay weydiiyaan Su’aalo.

Wuxuu sheegay in maamulka hadda haya tallada Puntland uu afduub ku hayo Golaha Baarlamaanka waxa uuna ku baaqay in cadaadiska laga joojiyo si loo sameeyo isla xisaabtan aan Mas’uuliyiinta lagu afduubeynin.

”Anigu isla xisaabtan waxaan u garanayaa in shaqsiyaadka xukuumada la xisaabtamaya ay helaan fursad ay su’aalo ku weydiiyaan Xukuumada, dadku caqli bay leeyihiin, lamana khiyaami karo, macquulna maaha inta qol la isku soo xiro”.

”Isla xisaabtanka Xukuumada Puntland waa mid xaaraan ah oo aan nidaamka sal iyo baar ku laheyn, waxaa kasii daran shaqsiyaadka qolka lagu xirtay ee laga soo furay goortii dhagaha loo buuxiyay”

Geesta kale, Maxamed Cabdinuur Xirsi waxa uu madaxda maamulka labada gole ugu baaqay in sharciga laga dhaafo afduubka islamarkaana shacabka loo soo bandhigo waxa ay ku qancaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com