XOG: Xasan Sheekh oo ku wajahan PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh uu maanta oo Khamiis ah ku wajahan yahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa la sheegayaa in casuumaad uu ka helay madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas waxaana lagu wadaa in halkaasi uu uga qeybgalo munaasabada daahfurka Garoonka Boosaaso.

Madaxweyne Xassan ayaa Daahfurka Garoonka Boosaaso kadib lagu wadaa in maamulka Puntland uu kala hadlo arrimo la xiriira shirka Kismaayo, waxaana sidoo kale la sheegayaa in Boosaaso uu ku wajahan yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waa haddii aan qorshuhu isbedel ku imaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusein Gulleed ayaa isna lagu wadaa in maanta oo khamiis ah uu gaaro magaalada Boosaaso, halkaasi oo uu kaga qeybgali doono munaasabada.

Munaasabada ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan dhamaan madaxda uu ka dhexeeyo Khilaafka la xiriira ka gudubka nidaamka 4.5, waxa ayna halkaasi ku lafaguri doonaan shirka Kismaayo ka dhici doona.

Dhanka kale, DFS iyo maamul Goboleedyada dalka kuwooda sharciyeysan ayaa sanadkii tagay buuxiyay booska Dowladnimo markii laga soo tago khilaafka yar ee taagan, waxaana xusid mudan inay isaga soo dhawaaden sidii ay ahaayen sanadihii laga soo gudbay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com