Somalia oo laga dhisayo saldhiiga u weyn Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa waddo qorshe ay magaalada Muqdisho kaga dhiseyo saldhig lagu tababaro ciidamada xooga dalka Soomaaliya  kasi oo noqonaya saldhiga ugu weyn ee qaarada africa, sida dowlada Turkiga ay sheegtay.

U qaabilsana wasarada arimaha dibada Turkiga ee Soomaaliya Haweeneyda lagu magacaabo Emel Tekin oo la hadashay warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegtay iney doonayaan dhismaha saldhig weyn oo tababar ay ku qaataan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Xaruntaasi ciidan ayay sheegtay iney noqoneyso saldhigii ugu horeeyay oo dowlada Turkiga ay ka dhisto magaalada Muqdisho ee caasimada SOomaaliya, waxaana ka faa’ideysan doona ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee SNA.

Sidoo kale u qaabilsanaha Wasaarada arimaha dibada Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaacisay in saldhigaasi uu noqonayo saldhigii ugu weynaa oo Turkiga ka dhiso dal ku yaala Qaarada africa, sida uu qorshaha yahay.

Dowlada Turkiga ayaa maalin ka hor ka bilowday Muqdisho dhismaha warshad soo saareyso dharka ciidamada xooga dalka Soomaaliya, dhagax dhigaasi oo ay ka qeyb galeen madaxda ugu sareyso wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Labada dowladood ayaa horey u kala saxiixdeen hishiis dhigaya in dowlada Soomaaliya laga taageero dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com