Xog: Shirka KISMAAYO oo dib loo dhigayo iyo Xasan Sheikh oo Villa Somalia ka wada qorshe…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ka tirsan madaxtooyada maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku imaaday shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Ilo wareedka aan xogtaani ka heleyno ayaa sheegaya in wakhti dheeraad ah lagu biiriyay xiliga furitaanka shirka sababo la xiriira codsi maamulka Jubbaland kaga imaaday dhanka madaxweyne Xassan Sheekh.

Shirka oo uu qorshuhu ahaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo taariikhdu marka ay tahay 8 Bishaani ayaa waxaa lasoo warinayaa in madaxweyne Xassan Sheekh uu dalbaday in maalmo dib loo dhigo shirka waxaana jiro warar sheegaya in Asbuuc qura uu shirkaasi dib u dhici doono, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Ujeedka shirka ka furmaaya magaalada Kismaayo ayaa ah in madaxda Qaranka iyo kuwa Gobollada dalka ay isku waafaqaan in laga tanaasulo Nidaamka la sheegay in Somalia uu dib u dhaca ku keenay ee 4.5.

Madaxweyne Xassan oo cabsi ka qaba in maamul Gobolleedyada ay kaga guuleystaan go’aanka ah in laga tanaasulo nidaamka 4.5, ayaa madaxtooyada Somalia kulamo kala duwan kula leh Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka iyo Odayaal dhaqmeed la sheegay in laga kala keenay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe kuwaasi oo uu kala xaajoonaayo qaabka lagu adeeci lahaa go’aankiisii ahaa in Somalia lagu sii maamulo nidaamka 4.5 oo uu wali ku adkeysanaayo.

Xassan Sheekh ayaa markii hore codsaday in shirka dib loo dhigo, islamarkaana laga dhigo bisha soo socta, hayeeshee cadaadin kadib waxa uu ogolaaday in la dib dhigo muddo hal asbuuc ah, sida aan xogtu ku helnay.

Shirka ayaa iminka lagu wadaa inuu furmo 17 Bishaani, waxaana mar waliba suuragal ah in muddo intaa kasii badan uu dib usii dhaco sababo la xiriira walaaca Xassan Sheekh ka heysta natiijada kasoo bixi karta Shirka.

Lama saadaalinkaro qorshooyinka uu madaxweyne Xassan Sheekh ka damacsan yahay dib u dhaca la sheegay in shirka uu ku imaanayo, walow ay suuragal tahay in is fahan kadib uu wakhtigiisa furmo shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com