Axmed Madoobe oo ku faanay in Ethiopia ay ka..

Kismaayo (Caasimada Online) –  Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa qanciyay qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka Jubbooyinka kuwaasi oo si weyn kaga walaacsanaa imaanshaha ciidamada Ethiopia ee Kismaayo.

Odayaasha dhaqanka ayaa si weyn u dhaliilsan in ciidamada Ethiopia ay tagaan magaaladaKismaayo iyaga oo ka baqaya hab dhaqanka ciidamadaasi oo in badan ay ka walaacsanaayeen.

Odayaasha dhaqanka ayaa aad u dhaliilay Maamulka Jubbaland iyo Sarakiisha Ciidamada Jubbaland waxayna Sheegeen in ayna jirin wax isxilqaan ah oo ay ka sameeyaan wada shaqaynata Ciidamada,Waxayna  qaar kamid ah Odayaasha sheegeen in walaacaas uu yahay mid ay shacabka Kismaayo qabaan.

“Ma aha AMISOM tii aad horay u taqaaneen waa Ciidan doonayan in ay qaatan Amarkeena ,isla Markan ay ka jawaabaan baahida dadkeenu ay u qabaan in Wadooyinka deegaanka naloo furo,Xorayntii Jilib,Jamaame iyo Caasimadii Bu’aale maanta ayaan rajo fiican ka qabnaa mar hadii ay Ciidamada Ethiopia yimaadeen deegaanka”Ayuu yiri Sh Axmed Madoobe oo la hadalyey Odayaash dhaqanka Kismaayo.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xariga ka jaray dhismooyin cusub oo loogu talo galay qabashada shirka masuuliyiinta qaranka ku yeelanayaan magaalada Kismaayo 10 bishan Janaayo.

Hoolalka shirka lagu qabanayo iyo dhismooyin loogu talo galay madaxda iney degaan ayaa laga furay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com