C/Weli oo aqbalay iscasilaada Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ka aqbalay Wasiirkii Amniga Qaranka iscasilaadiisa, isagoona ku tilmaamay in ay tahay talaabo geesinimo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay Wasiirka Amniga Qaran mudane Cabdikarin Xusein Guled inuu ahaa muwaadin si dhab ah ugu adeegayey shacabka Soomaaliyeed

“Waa ka aqbalay iscasilaadiisa wasiirka amniga qaranka, Waxaana uu ahaa muwaadin u shaqaynayey sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan, waxaana ka rajaynayaa in uu la sii shaqayn doono dowladda, si looga fa’iidaysto khibradiisa shaqo, ayuu yiri RW Cabdiwali

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in ay xukuumaddu wado baaritaan lagu ogaanayo wixii shalay dhacay iyo sidii ay u dhaceen, cid kasta oo masuuliyadaas wax ku yeelatana si dhab ah loola xisaabtami doono.
Ugu danabyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhakhso u soo magacaabi doono shakhsigii badali lahaa Wasiirka amniga qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com