Xasan Sh. oo Muqdisho ku laabtay iyo magacyada SARAAKIIL xilalka weynaya (Dhageyso shirka jara’id ee Xasan Sh)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayay, ayaa waxay goor dhow ku soo laabteen Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa, ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka gadaal markii labadii maalmood ee ugu dambeysay ay booqasho ku soo jooggeen Koonfur Afrika.

Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo qaybaha bulshada, ayaa wefdiga Madaxweynaha Somaliya si qurux badan leh ugu soo dhoweysay Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta shir jiraa’id u qabtay kaga hadlay xaalada dalka iyo weerarkii shalay ka dhacay Muqdisho.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa tacsi u diray Ehaladii dadkii ku geeriyooday weerarkii Baarlamaanka,isagoona Ciidamada Dowlada Soomaaliya ku amaanay sida geesinimada leh ay kaga qeyb qaateen weerarkii shalay.

Wuxuu bogaadiyay iscasiladii xalay uu ku dhawaaqay Wasiirkii amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya, isaoona tilmaamay inuu qeyb yahay isbadalada uu balan qaaday.

Halkan ka dhageyso Madaxweynaha

Xalay, ayay ahayd markii Madaxweynaha Somaliya uu Wasiirkii Amniga Qaranka ku cadaadiyay in uu si deg deg ah isku casilo, markii Dowladdiisii loo arkay in ay fashil cagta saartay.

Dhinaca kale Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneraal C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, Jeneral Bashiir Axmed Jaamac (Bashiir Goobe) lagu wadaa inay saacadaha soo socda is-casilaan, ama xilka laga qaado.

Wararka sugan ee aynu helayno ayaa sheegayo haddii ay Taliyayaashaaasi is-casili waayaan ugu dambeyn maanta inuu Madaxweynuhu soo saari doono Wareegto uu xilalka kaga xayuubinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u qorsheysan  inuu Kulamo Khaas ah la yeesho Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo haatan Ku-simaha Madaxweynaha ah iyo Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed Mohamed.

Madaxweynaha waxa kaloo oo uu  Kulan la yeelanayaa Guddiga Amniga Qaranka, iyadoo kulankaasi noqon doono mid xasaasi ah oo ay dhici karto inay Mas’uuliyiin badan oo Guddigaasi ka mid ah xilalkooda ku waayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com