“GUULEED WUU SOO LAABANAYAA”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga nabadda Soomaaliyeed  Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan Xilka uu baneeyay Wasiirkii arrimaha Amniga ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa shaki ka muujiyay is casilaadaas isagoona hoosta ka xarriiqay inuusan marnaba aaminsanayn in Siyaasadda dalka uu ka maqnaanayo Cabdikariin Xuseen Guuleed, islamarkaana uu dib ugu soo laaban doono xukuumadda.

Cabdullaahi Shiikh ayaa xusay in ay tani tahay mid la doonayo in dadweynaha loogu geedi guuro iyo Barlamaanka lana tusiyo in Wasiirkii uu is casilay si xukuumaddu u qariso sida ay ugu guul daraystay wax ka qabashada amniga Dalka.

“Guuleed waa soo laaban doonaa, isaga oo xil kale huwan” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in is casilaaddaas wax ay soo kordhinayso ayan jirin inta uu madaxweynaha joogana xaalladu ahaan doonto mid aan waxba iska bedelin waa siduu hadalka u dhigaye.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa intaa ku daray in bayaankii madaxweynaha Soomaaliya loogu soo jeediyay in xilkaas uu iska casilo uu si cad u diiday sidaa darteedna wasiir meesha ka baxa iyo taliye wax qaban karaaba aysan jirn intuu Xasan Sheekh taliyaha guud ee ciidamada uu yahay.

Ugu dambayntii ayuu guddoomiyaha Is-baheysiga nabadda uu ku celiyay baaqiisii ahaa in madaxweyne Xasan Sheekh iyo guruubkiisaba ay meesha ka baxaan markaasi oo laga yabo in is bedel dalku uu sameeyo maadaama ay ku guul daraysteen balan qaadkoodii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com