Video: Aqoonyahanno wasiirada DFS ceebeeyey “Ma qori karaan Somaliga”

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad dhowaan ka dhacday Muqdisho, oo Jaamacadda SIMAD ay qabatay, ayaa looga hadlay luuqadda  Soomaaliga iyo sida ay iminka usii dhumeyso.

Dadkii goobta ka hadlay oo u badnaa aqoonyahanno, ayaa sheegay in xubnaha dowladda Somalia ay qeyb ka yihiin ms’uuliyadda luuqadda sii lumeysa.

Waxa ay sheegeen in xittaa wasiirada dowladda Somalia ay iskula xiriiraan luuqadda English-ka sababta oo ay tahay ma qori karaan luuqadda Soomaaliga, waxaana uga fudud English-ka.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA: