Jabuti oo soo bandhigtay muuqaalada wiilkii & gabahii is-qarxiyey (Sawirro)

Djibouti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti, ayaa soo bandhigtay muuqaalada 2 ruux oo ay u aqoonsatay kuwii weerarada ismiidaaminta ka geystay Magaalada Djibouti, iyadoo lala beegsaday maqaaxi ay fadhiyeen dad u badan Reer Galbeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, ayaa Warbaahinta u soo bandhigay muuqaalada laga qaaday labadaan ruux, kadib weerarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, ayaa wuxuu sheegay inaysan weli aqoonsan dalka ay ka soo jeedaan labada xubnood ee weerarka fulisay, iyadoo uu diiday in lagu eedeeyo in ay Soomaali yihiin

Wuxuu xusay in ay wadaan baaritaano ku aadan dadkaasi, isla-markaana ay helayn sawirada wiilka iyo gabadha geystay ismiidaaminta, laakiin aan weli la garanayn dalka ay ka soo jeedaan.

Waxaan jiin cid weli si rasmi ah u sheegatay masuuliyada weerarka ismiidaaminta ah ee markii ugu horeysay ka dhacay Magaalada Djibouti, taariikhda inta ay xuseyso.

Si kastaba ha-ahaatee weerarkaan, ayaa waxaa ku dhintay 3 ruux, oo 2 ka mid ah ay yihiin kuwii geystay, iyadoo midka kalana uu u dhashay dalka Turkiga, halka 15 kalana ay ku dhaawacmeen.


djidji1