Xog: Gaas iyo Guuleed oo mar kale heshiinaya

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kulan gaar ah magaalada Kismaayo ay ku yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka, iyaga oo markale ay is arki  doonaan Madaxweynaha Galmudug iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Shirkaasi ayaa waxaa la sheegay inuu hordhac u yahay shirka madasha wadatashiga qaran oo la qorsheeyay in maalinta beri ah uu ka furmo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Labada madaxweyne ee Gaas iyo Guuleed ayaa la sheegay in shirka hordhac ah kaga sii wadahadli doonaan dhameynta hishiiskii lagu  gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib dagaal labo maalin ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qeyb galaya madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxayna dhamaantood si horudhac ah kaga hadlayaan shirka maalinta beri ah ka furmaya magaalada Kismaayo.