Shariif Xasan oo weerar ku qaaday A/Madoobe.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan oo ka hadlaayay Khilaafka kala dhexeeya dhigiisa Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay adeegsanayaan Axmed Madoobe.

Shariif Xassan ayaa sheegay in waxba uusan u arag khilaafka kala dhexeeya Axmed Madoobe balse uu yahay mid ka didsan shaqsiyaadka daaha gadaashiisa ka hagaaya khilaafka taagan.

Wuxuu tilmaamay in kulan waliba oo ay wada qaatan isaga iyo Axmed Madoobe uu yahay mid caadi ah, balse goortii kulanka uu dhamaado uu Axmed Madoobe Koonfur Galbeed u muujiyo waji aan aheyn kii hore.

”Aragtideydu waa mid xunbaarsan ka fiirsasho waxaan qirayaa in khilaafka taagan uu yahay mid uusan fakirkeedu laheyn axmed madoobe, waayo waxaa hagaaya shaqsiyaad ka macaasha khilaafka iyo carqalada taasi ayaa sabab u ah in Koonfur galbeed ay Jubbaland u gaabiso xiriirka”

”Hashiis waliba oo ay Koonfur galbeed la gasho Jubbaland waxa uu jiraa saacado kooban kadibna waxaa ku yimaada burbur aan la garaneynin sababtiisa, taasi walaac ayaan ka muujineynaa”

Shariif Xassan waxa uu cadeeyay in Koonfur galbeed aysan xamili karin heshiisyo aan mirro dhal laheyn waxa uuna Jubbaland uga digay inay ka shidaal qaadato shaqsiyaadka daaha gadaashii ka hagaaya Siyaasada labada maamul.

Axmed Madoobe ayuu ku booriyay inuu ka dhalaalo siyaasada loo yagleelay Jubbaland oo uusan ka tallo qaadan maamulada kale oo uu ula jeedo Puntland.

Geesta kale, waxa uu Shariif Xassan carabaabay in Koonfur galbeed ay dhan waliba tahay mid isku filan balse ay dhooreyso xiriirka kala dhexeeya maamulada dariska la ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com