CCC oo qabyaalad ugu hiiliyay Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ee Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid uu dhinac uga beeray wada hadalkii u dhexeeyay madaxweynayaasha Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Xubnaha aan xogtaani kasoo xiganeyno ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid uu si dadban taageero ugu muujiyay maamulka Bakool Sare oo uu gadaal ka riixaayo Madaxweynaha Jubbaland.

Cumar C/rashiid ayaa Shariif Xassan u sheegay in micno gaar ah aysan abuureynin in la dhiso maamul gaar ah, balse ay muhiimadu tahay in la taageero cid waliba ee dooneysa inay sameyntaan maamul looga bixi karo tafaraaruqa ka dhextaagan Soomaalida.

Sharmaarke waxa uu carabaabay in maamulka Bakool Sare uu kulminaayo degmooyin iyo dhowr tuulo, taasina ay tahay dadaal loo baahnaa fulintiisa xili hore.

Dadka ku hoos nool Bakool Sare ayuu Sharmaarke sheegay in bilihii ugu danbeeyay ay ka cabanayeen maamulka Koonfur galbeed, balse hadda ay yihiin kuwo aragti ahaantooda ku qanacsan maamulka yar ee dhisan.

Cumar waxa uu ku nuux-nuuxsaday in DFS ay mar waliba taageersan tahay bulsho waliba oo ka talineysa aayaheeda, waxa uuna tilmaamay in Dowladu ay xooga saareyso sida Bakool Sare dib loogu celin lahaa maamulka Koonfur galbeed oo ay horay uga mid aheyd.

DFS Somalia horay ugama aysan hadal dhismaha maamulka Bakool Sare, waxa ayna ku doodeysaa in rajo usoo hoyatay Somalia ay tahay in la dhiso maamul mideynkara shacab farabadan, balse dhanka kale waxa ay garwaaqsan tahay in fakirka lagu hirgaliyay maamulkaasi uu yahay mid lagu kala jaraayo Koonfur galbeed.

Docda kale, arrintaani ayaa walaac ku abuurtay Shariif Xassan iyo Xubnaha ku wehlinaayay la kulankii Axmed Madoobe, waxa ayna halkaasi ka qaaten fakir u muujinaaya kaalinta ay DFS ku leedahay kala go’a Koonfur galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com