Yaa xukuma Somalia: Amar yaab leh oo la siiyey Xasan Sheekh, CCC, Guuleed iyo Shariif Xasan.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa ku amartay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuusan baaqan karin shirka madasha qaran ee la qorsheeyey inuu Kismaayo ka furmo 10-ka bishan, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Shirkan oo horey loo shaaciyey in uu baaqday, ayaa la filayaa iminka inuu dhaco 11-ka bishan oo ku began maalinta isniinta ah.

Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia, Tedros Adhanom, ayaa ku amray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, Guuleed iyo Shariif Xasan inay maalinta Isniinta iska xaadiriyaan magaalada Kismaayo.

Shariif Xasan iyo Guuleed, ayaa shirkan si rasmi ah u diiday, halka Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ay ku ra’yi yihiin balse aysan shaacin fikirkooda.

“Tedros, wuxuu u sheegay xubnaha in shirka uusan baaqan karin wuxuuna siiyey laba maalmood oo dheeri ah, si shirka loo qaabto, wayna aqbaleen” Waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay mid ka mid ah kaaliyayaasha madaxweyne Xasan Sheekh oo codsaday inaan la magacaabin.

“Tedros, wuxuu yiri waxaan Kismaayo tagayaa axadda, waana inaad joogtaan halkaas markaan imanayo, shirkana uu dhaco talaadada” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Is-beddelkan cusub iyo amarka kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Tedros Adhanom, ayaa caddeyn u ah in madaxda Soomaaliya ay hoos tagaan Ethiopia, dalkuna yahay gobol ka tirsan Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com