XOG: Ethiopia oo xabsi dhigtay madaxweynihii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbarde, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ay jeelka dhigeen madxaweynaha maamulka la magac baxay Bakool Sare Axmed Sheekh Maxamed ”Axmed Mashruuc”

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamo gaashaaman oo ka tirsanaa kuwa Ethiopia ay weerareen Hooyga Axmed Mashruuc, halkaasina ay kala baxeen xili habeenimo ah, sida ay xogtu sheegeyso.

Ciidamada weerarka ku qaaday Hooyga Axmed Mashruuc ayaa lasoo warinayaa inay wateen ilaa 6 gaari nooca gaashaaman ah waxa ayna madaxweynuhu ku hayaan Saldhig ay halkaasi ku leeyihiin sida ay xogtu tibaaxeyso.

Axmed Mashruuc oo dhankiisa kala hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wararka laga faafiyay uu yahay mid been abuur ah islamarkaana uu yahay mid xiligaani ku sugan hooygiisa.

Wuxuu sheegay in hadda uu ku sugan yahay Magaalada Ceelbarde ee Xaraunta Gobolka Bakool Sare, islamarkaana uusa arag weerar ay kusoo qaaden Ciidamada Ethiopia.

”Anigu waan bad qabaa cid i xirtayna ma jirto ma garanaayo in hadda leygu soo wajahan yahay balse ma aanan arag cid isoo weerartay”

Axmed Mashruuc wuxuu tilmaamay in hadalkaasi ay faafiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, waxa uuna intaa hadalkiisa raaciyay in Ethiopia aysan awood u laheyn inay xiraan.

”Bakool Sare Ethiopia kama taliso waxaan halkaani ka cadeynayaa in Dowlada Ethiopia aysan igu soo degdegikarin waayo Degmada Ceelbarde iyo guud ahaan Bakool Ethiopia ma hoostagto ee waa dhul soomaaliyeed”

Haddalka Axmed Mashruuc ayaa kusoo beegmaya xili Sacaadihii ugu dambeeyay ay soo ifbaxayeen warar sheegaya in Axmed Mashruuc lagala baxay Hooygiisa xili habeen ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com