28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

C/Weli Gaas oo ka hadlay xildhibaanada NAIROBI ku shirsan una sheegay inay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa ka hadlay xildhibaanada mucaaradka ah ee ku shiray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in xildhibaanada baarlamaanka ee shalay doortay madaxweynaha Soomaaliya durbo seddex bilood kadib inay mucaaradnimo kala horyimaadaan dowladda Farmaajo.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay haatan bilooyin jirsatay ayna wanaagsan tahay in xildhibaanada baarlamaanka ay la sugaan xilli lala xisaabtami karo oo waqti la siiyo.

” Sida aad la socotaan waxaa Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya Waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo”.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay ka mideysan yihiin dhismaha ciidamada qaranka islamarkaana ay gudan doonaan waajibkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News