C/Welli Gaas oo u hanjabay Xasan Sheekh iyo…

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Garowe ayaa si kulul uga hadlay qorshaha la hadal hayo ee ku aadan muddo kororsi ay sameyso dowlada haatan jirta.

C/Welli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamulka kaliya ee ku dhisan sifo sharci ah, ayna aqbali doonin muddo kororsi ay sameeyaan madaxda dowlada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maamulka Puntland uu dadaal dheeri ah u galayo sidii Soomaalida sanadka 2016 u heli lahaayeen madax iyo maamul wanaagsan, isagoo sheegay in Puntland tahay hooyada Soomaaliya laakiin ilmaheeda ay ku caasiyeen.

“Taas micnaheedu waxaa weeye waxaan rajeynaynaa Puntland-na ku dadaalaysaa, kana qayb qaadanaysaa in bisha August 2016, Soomaali ay hesho hogaan cusub oo ka mira dhaliya, kana turjumaaya himilada dadka Somaliyeed. Micnaheeda waxaa weeye in cid maanta ku darsan karta xukun aysan jiri doonin ayaan rajeynayaa, taasna Puntland diyaar bay u tahay, wayna ku dagaalamaysaa, wayna ka qayb qaadanaysaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Maamulka Puntland ayaa si adag kaga soo horjeedo dhismaha maamulka Galmudug oo dowlada Soomaaliya ay taageerto, waxayna u arkaan cadow uu u abuuray madaxweynaha Soomaaliya, maadaama lagu xanto Xasan Sheikh inuu saaxiib dhow la yahay C/kariin Xuseen Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com